Wararka laga helaayo Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Maxkamad la soo taagay laba wiil oo Soomaali ah kuwaasoo ku eedeysan qorshayaal ka dhan amniga Mareykanka.

Labada Wiil oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Mahad Maxamed oo 26 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen, oo 25 jir ah ayaa ka hor qirtay Maxkamad ku taal magaalada Tucson ee dalka Maraykanka inay damceen ku biirsta kooxda Daacish.

Advertisement

Labada wiil waxay la qabtay 2019-kii ilaa hadana way xirnaayeen balse waxaa socotaymaxkamadeyntooda.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka  ayaa saxaafada u sheegay in labada wiil qirteen inay sheekeysteen islana garteen inay u safraan Dalka Masar si ay ugu biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanata Dalka Siiriya.

Sanadkii 2018-kii ayay ku heshiiyeen inay u safraan Masar balse waa la qabtay ka hor inta aysan safrin sanadkii 2019-kii, iyadoo waliba Cabdi Yemeni xuseen la sheegay inuu u soo jeediyay sxb-kiis Axmed inay weeraraan Aqalka Cad hadii la isku dayo in laga hor istaago safarkooda.

Si kastaba maxkamada ayaa shaacisay in Xukunka labadaani Soomaalida ah uu dhici doono 11-ka Oktoobar sanadkaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ultra-conservative PAC to spend $1.6M on Supreme Court, judicial races

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here