Odayaasha Dhaqanka deegaanadii dhawaan Alshabaab laga saaray ee gobolka Jubbada Hoose sida Buulo-Xaaji iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa xoolo badan ugu deeqay ciidamada Dowlada iyo kuwa Daraawiishta Jubaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland ,Wasiir ku xigeenka  Gargaarka iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaana Odayaasha ka gudoomay  20 Neef oo Geel ah, 50 Ari ah iyo lacag dhan $20,000.

Advertisement

Lacagta iyo xoolaha waxaa loogu talo galay ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka gaar ahaan kuwa guulasha ka gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ay Alshabaab la galeen islamarkaana ay ka saareen deegaano badan.

inta badan Ciidamada Milatariga ,macawisleyda iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa xoolo loogu deeqo xiliyada ay dagaalada alshabaab kula jiraan taasoo dhiiri gelin looga dhigaayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of Bactrian camelMay be an image of 11 people, rhinoceros and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people and grassMay be an image of 12 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here