MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Golaha Wasiirrada ayaa goor dhaw oo maanta ah waxay ansixiyeen, Xeerka Doorashooyinka  iyo Xeerka Xisbiyada Siyaasadda kaasoo bilow u ah qorshaha ama siyaasada Madaxweyne Xasan uu ka damacsan yahay doorashooyinka soo socda.

Sharcigaan Wasiiradu ansixiyeen maanta waxaa lagu wadaa in dhawaan la hor-geeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan iyaguna xili Mucaaradka Dowladana ay aad uga soo horjeedaan.

Advertisement
Madaxweyne Xasan ayaa hore Baarlamaanka u marsaday ansixinta dastuur rasmi ah oo looga gudbayo kii kumeel-gaarka ahaa walow dhowr cutub uun la ansixiyay oo kuwa kalana ay harsan yihiin.
Si kastaba la arki doonee  hadii Madaxweynuhu ku guuleysto qorshihiisa siyaasadeed oo laba arin oo muhiim u ah uu ka damacsan yahay inuu mid kaga guuleyso ama labadaba kuwasoo kala ah inuu ama waqti kororsi helo helo ama uu mar kale xilka ku soo laabto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here