GAZA (DAYNIILE.COM)-Weriyaha Aljazeera ayaa soo sheegaya weeraro xooggan oo Israel ay ku qaaday koonfurta Gaza gaa ahaan xaafadaha Khan Younis iyadoo teendhooyin ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah ay gubteen oo holceen kadib markii ay gantaallo la dhaceen.

Sidoo kale gantalada Yuhuudu soo ridayaan ayaa lala beegsaday dhismayaal dad shacaba ay deggan yihiin.

Advertisement

Dadka deegaanka iyo Falastiiniyiinta soo barakacay ayaa millatariga Israa’iil waxa ay ku amreen in ay si degdeg ah uga baxaan aagga Beit Hanoon iyo Beit Lahiya ee waqooyiga Qaza, ka hor hawlgal ciidan oo la filayo.

Ururka maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay bilowdo baaritaan caalami ah oo ku saabsan  jirdilka joogtada ah ee maxaabiista Falastiiniyiinta iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya xadgudubyo halis ah oo ka jira xabsiyada Israel, oo uu ku jiro kufsi.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Qaza ay soo bandhigayso caqabado badan oo hortaagan ololaheeda lagaga hortagayo in cudurka dabaysha uu ka dillaaco dhulka Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 39,677 qof ayaa lagu dilay 91,645 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here