Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo maanta ku kulmay Xarunta dhexe ee Hay’adda (SoDMA) ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeybqataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido.

Kulankaan waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culumada Soomaaliyed.

Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay Golaha wasiirada XFS oo xalay lacag Nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.
May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of ‎3 people and ‎text that says "‎بعفه JAMHUURIYADDA FEDERAALKA S0OMAALIYA Guddiga Maaliyadda qaranka ee Qaraxa Liido AKOONADA TAAKULEEYNTA DHIBANAYAASHA QARAXII LIIDO DahabshiilBank Dahabshiil Bank Acro Bank 301011947701 Premier Bank 20035155 Idman Community Bank Hormuud Merchant IBS Bank 020700124001 1014888404001 Amal Bank *789*650391*$# DahabshiitA Account 0005556301840012 eBesa Merchant 1014710370 Galaxy International Bank MUQD0079942 *789 789*510073*$# Bushra Business Bank Amana Bank 0173100002 eDahab Merchant My Bank 0010001609101 101003000161 SomBank 110*0620511114$# 89700060001 Amal My Cash 1000250558 Salam Bank *928*711511114*$# 35479374 Fadlan Walaal ka qeyb qaado gurmadka‎"‎‎May be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here