May be an image of 2 people and text

PARIS (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Farance caasimadiisa Paris ayaa sheegaya in orodyahanka Somaliyed ee Cali iidow xasan uu goor dhaw ku haray wareega koowaad.

Orod-yahankaan ayaa galay kaalinta 8-aad  sida uu bartiisa Facebook goor dhaw soo dhigay Agaasimaha Astan Sports Maxamed Cabdi Mudey.

Orodka uu ka qeybgalay ciyaaryahanka Soomaaliyeed ayaa ahaa  800 Mitir  ee ciyaaraha olompicada aduunka.

Inta badan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Orodada oo aad u diyaarsan kaliya waxay guulo waa weyn la gaari la’yihiin dhiiri-gelin la’aan iyo niyad jab kaga yimaada dhanka madaxdooda sida hadaba ku dhacday Cali iidow xasan markii macalinkiisii looga soo reebay dalka Itoobiya.

Si kastaba sida kaalimaha loo kala galay ka akhriso halkaani hoose kaalinta koowaad waxaa galay orodyahan u ciyaarayay dalka martida loo yahay ee Farance,labaadna mid ka socday Irland.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here