Bangladeshi 2006 Nobel Peace Prize winner Professor Mohammad YunusDHAKA (DAYNIILE.COM)-Muxammad Yunus ayaa madax ka noqon doonta dowladda ku meel gaadhka ah ee dalka Bangladhesh ka dib markii ay xilka ka degtay ra’iisal wasaarihii hore ee Sheikh Hasina oo ay ka carartay dalka iyadoo ay ka socdaan kacdoono ballaaran oo looga soo horjeedo xukunkeeda oo ay hormuud u yihiin arday u badan.

Muxamed Yunus ayaa  hore ugu guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel waana dhaqaal yahan lagu yaqaan dhanka samafalka gaar ahaan dumarka

Advertisement

vvv

Ku dhawaaqistaan Dowlada KMG ah waxaa ku dhawaaqay Arbacada maanta Joynal Abedin oo ah xoghayaha warfaafinta ee madaxweynaha aan awooda lahayn ee Bangladhesh Mohammed Shahabuddin.

Abedin waxa kale oo uu sheegay in xubnaha kale ee dawladda uu hoggaamiyo Yunus la go’aamin doono dhawaan ka dib marka ay la hadlaan xisbiyada siyaasadda iyo qaybaha kale ee ay khusayso.

Madaxda mudaaharaadyada ardayda, madaxda saddexda qeybood ee ciidamada dalka, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah ganacsatada ayaa madaxweynaha kulan la qaatay in ka badan shan saacadood dabayaaqadii Talaadadii taasoo keentay go’aanka ku dhawaaqista dowlada KMG ah ee uu hogaamin doono Muhamed Yunus.

Muxammad Yunus  oo dalka ka maqan ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto, waxaana la sheegay in ardeyda banaan-baxayaashu ay iyaga doorteen waayeelkaan.

Si kastaba ardeyda banaan-baxayaasha ee kacdoonka waday ayaa ka baxay madaxtooyada xalay saw dhexe markii la isku raacay Dowlada KMG ah ee uu hogaamin doono Muxammad Yunus madaama ay ku qanacsan yihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here