Gaashaanle dhexe Maxamed Dhagawayne oo ah Taliyaha Qaybta 21aad Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka maanta kormeeray ciidamada Milatariga Dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan Deegaanada Cad-Cadeey iyo Cadaan laxeey.
Taliye Dhagawayne wuxuu si gaar ah u kormeeray agaga ay ku sugan yihiin  Ciidamo ka tirsan Guutada 28aad ee Abuu-cubeyda ee qaybta 21aad.

Taliyaha wuxuu amaan kala dul dhacay ciidamadaasi isagoona ku bogaadiyay dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda Alshabaab iyo sidoo kale adeegyada ay u hayaan shacabka.
Dhanka kale Taliyaha wuxuu  kula dardaarmey askartan iyo saraakiishoodaba inay sii wadaan howlgalada Alshabaab ka dhanka ah.
May be an image of 8 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people and crowd
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here