Image depicts graphic content) Palestinians wounded in Israeli attack on Nuseirat refugee camp are brought to al-Aqsa Martyrs Hospital

QAZA (DAYNIILE.COM)-Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in ay Israa’iil ka heshay maydadka 80 Falastiiniyiin ah oo aan la aqoonsan kuwaas oo ay ku aastay xabaal wadareedyo.

Advertisement

Milatariga Israa’iil ayaa ugu yaraan 40 qof ku dilay 71 kalena ku dhaawacay Marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Nasser Kanaani, ayaa sheegay in Tehran aysan raadineynin inay sii kordhiso xiisadaha gobolka, laakiin waxay aaminsan tahay in la ciqaabo Israel ay lagama maarmaan tahay si looga hortago xasillooni darro dheeraad ah.

Ugu yaraan 39,623 qof ayaa lagu dilay 91,469 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here