GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in koox Alshabab ka tirsanaa oo dilal iyo xabsi daa’in ku xukunaa ay ka baxsadeen xabsiga Magaalada Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland.

Kooxdaan Alshabaab-ka ah oo qaarkood muuqaalo hore looga daawaday iyagoo qiranaya dilal ay shacab iyo masuuliyiin u gaysteen ayaa tiradooda lagu sheegay 12 ruux.

Advertisement

Ciidamada Booliiska oo daba-gal ku sameeyay kooxdaan qatarta ah ee baxsatay ayaa dib u soo qabatay 9 ka mida halka wali la’ yahay 3 kale kuwaasoo ciidamadu baadi goobayaan.

Wararku waxay tilmaamayaan Alshabaab-kaan fursad ka heleen xabsiga sidaasna u baxsadeen inkastoo badankood dib loo soo qabtay.

Saraakiisha Xabsiga maamuleysay wali kama hadlin dhacdadaan ay ku baxsadeen maxaabiiska kooxda Alshabab ee badankood dilalka ku xukunaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here