MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wafdi ka socda Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigaan oo si gaar ah uga socday qeybta duulista Rayidka ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Masuuliyiintaan Muqdisho soo gaaray oo quburo u badnaa waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha qeybta duulista rayidka ee Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo Cassoa.

Xubnaha wafdiga Wakaalada kor-joogteynta bad-qabka iyo amniga duulista rayidka ee Ururka bulshada Afrika (Cassoa) ayaa maalmo shaqo waxay ku joogi doonaan Magalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada duulista Hawada iyo  Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo si weyn Magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyay wafdiga ka socda Ururka Bariga Afrika ayaa lagu wadaa inay wada yeesheen kulamo iskaashi.

No description available.

Waxay labada dhinac ka wada xaajoon doonaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay bixiso adeegyada hay’ada duulista rayidka soomalieed,sidoo kale waxay ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiririkla wada shaqeyn ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Maareeyaha Hay’ada duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo soo dhaweynta kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin  soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdiga ka socda Ururka dhaqaaaha Bulshada Bariga Afrika gaar ahaan qeybtooda duulista.

No description available.

Sidoo kale Hogaamiyaha Wafdiga qeybta duulista rayidka ee Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo Cassoa oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay sharaf u tahay inay Muqdisho soo gaaraan islamarkaan ay awood u yeelato inay dhinac kasta ka taageeraan hay’ada duulista rayidka Somaliyed.

No description available.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here