Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Ç/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay weerarkii xalay kooxda Alshabaab ka gaysteen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeebta Liido halkaasoo shacab badan ay ku xasuuqeen.

Qoraal uu maanta  soo dhigtay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil waxaan uga tacsiyeynayaa dadkeenna ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga.

Alle ha caafiyo muwaadiniinta ay soo gaareen dhaawacyadu, marxuumiinta biri ma geydada ah ee ina ka shahiidayna hoygooda ha ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here