Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay weerarkii kooxda Alshabaab ku xasuuqeen shacabka reer Muqdisho kaasoo xalay ka dhacay Xeebta Liido.

Xasan Cali Kheyre oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa u qornaa sidan:-

Advertisement

Waxaan ka xumahay oo aan cambaareynayaa qaraxyada ay argagaxisadu caawa ku weerareen shacabkii ku fiidsanayay xeebta Liido.

Waxaan Alle ka baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo shacabkii ku shahiiday weerarkan, caafimaadna siiyo dadka ku dhaawacmay. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehellada iyo asxaabta dadkii qaraxyadan ku shahiiday.

In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here