Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo S/Guuto Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil, qeybna ka yihiin Madaxa Howlgelinta ciidanka Jabuuti iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibaahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigaan ku soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa qaar ka mid Hoggaanada Ciidanka XDS.

Ujeedka booqashada saraakiisha ka socota wadanka jabuuti ayaa ah in sare loo qaado iskaashiga labada ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira Ciidamada Hiil Walaal ee Dowladda Jabuuti ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda jabuuti ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan la dagaalanka Argagixisada iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada XDS.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, wedding and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here