BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Ganacsatada Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ayaa fuliyay codsi hore uu ugu jeediyay Ugaaska Beesha Xawaale Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan kaasoo ahaa in Magaalada loo iibiyo gaari Dab-damis ah

Ganacsatada Magaalada Baladweyne ee Xarunta  Gobolka Hiiraan waxay ka howlgeloyeen Magaalada gaari Dab-damis kaasoo durba isagoo maalma yaal ku guileystay inuu bakhtiijiyo goob dab ka kacay.

Advertisement

Ganacsatadaan waxay Dab-damiska ka soo iibiyeen dalka dibadiisa si ay bulshadooda ugu gacan siiyaan marka dab uu qabsado goobaha ganacsiga

Waa markii ugu horeysay oo Baladweyne uu ka  ka howl-galay gaari  nuuca loo yaqaan dab-damiska kaasoo magaaladu aad ugu baahneyd.

Mid ka mida ganacsatada ayaa u sheegay idaacada VOA-da in codsiga Ugaaska uu markiisii horaba ka dhashay dabkii hore u qabsaday diyaarad ku signed garoonka Ugaas Khaliif taasoo bes beeshay markii la waayay wax lagu bakhtiijiyo dabka.

Sidoo kale Ganacsadaha wuxuu intaasi ku daray suqa baladweyne uu hore dhowr mar dab uga kacay markaasoo sidoo kalana la waayay wax lagu damiyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here