Muqdisho, Khamiis, 01 Agoosto 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn”.

Mudane Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya.
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of one or more people, crowd, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, studying, crowd and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here