BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalooyinka Dowlad Goboleedka Puntland ka dhacay xaflado lagu weyneynayo 26 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas’aasay Maamulka Puntland 1998-dii.
Magaalooyinka maanta xafladaha lagu qabtay waxaa ka mida Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Advertisement
Xaflada Boosaaso lagu qabtay waxaa ka qayb-galay Maamulka Gobolka bari,Taliska Booliiska Gobolka Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa ka mid ah meelaha lagu qabtay waxaana ka qeybgalay madaxda sar sare ee Puntland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement