MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA LAGU SOO DHAWEEYAY DEGMADA CEEL-BARAF

Ceel-Baraf, 1-August-2024: Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo si wato safarkiisa shaqo ayaa maanta soo gaaray degmada Ceel-Baraf ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Advertisement

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo wariyayaal ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha.

Maamulka, Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degmada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Dowaladda Hirshabeelle.

“Waxaan diirada saari doonaa waqtiga aan halkan joogno sidii nabad waarto loo heli lahaa. Dadkan waa walaalo wada dhashay.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Ceel-Baraf soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur

default

default
default
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here