Weriye Cabdulqaadir Ciise oo maalmihii ugu dambeeyay uu khilaaf kala dhexeeyay Wasiirka ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa qoraal cusub ka soo saaray arintaasi xili qoraalo hore uu ku weeraray wasiir Alcadaala.

Khilaafkooda ayaa ka dhashay markii Al-cadaala uu ka qaaday wariye C/qaadir Ciise Adminka ama hogaanka barta Facebook ee TV-ga Qaranka inkastoo uu ilaa uu si gaar ah u maamulo barta Facebook ee raadiyaha ciidamada SNA.

Advertisement

Qoraal uu soo saaray Wariye C/qaadir Ciise oo Dowlada u qaabilsanaa tabinta dhacdooyinka Maxkamada Ciidamada ayaa qoraal cudur daar ah uu soo saaray wuxuu u qornaa sidan:-

Cudur-Daar.

Shaqa kastaahi ee la qabto waxa ay leedahay Dul-duleel iyo cabasho, kala duwanaashahana waa sunna kowni ah, sidaas darteed ayaa nala faray hadii Khilaaf jiro inaan ula laabano kitaabka iyo sunnada.

Sidaas oo kale hadii xeendaabka dowladnimo uu farqi ka Jiro waxaan leenahay heshiisya qoran oo nakala xadeeyo iyo hogaan aan u daba fadhino, waxaan aqbalsanahay toosinta madaxdeyda.

Wax kasto ee na kala gaaray saaxiibadeyda shaqada iyo madaxda wasaaradeyda warfaafinta waan ka garaabayaa, waxaana leeyahay nin wayn oo haftay aan ahee yaan la ii qaban.

Ugu dambayn waxaan ballan-qaadayaa in howlaheyga tabinta ee fariimaha dowladnimada aan Baaqi kusii ahaan doono.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here