=XIGASHO BBC SOMALI=

Haweeneyda

Advertisement

Waa aroor hore, tuulo yar oo ku taalla gobolka Maharashtara ee Hindiya, markii xoolo raacato lo’ wadatay ay halkaa soo mareen, ayagoo sidii caadada u ahayd lo’da u daaq geynaya kaynta. Waxaa durba dhegahooda ku soo dhacay qaylo.

Xoolo raacatadaas ka soo jeedda tuulada Ronapal Sonerli waxay la yaabeen qaylada dhegahooda ku soo dhacday ee ka timid kaynta Sindhudurg, markii ay ogaadeen in qaylada ay ka timid haweeney lugaha looga xiray geed.

Mar kale ayey yaabeen, sababtoo ah haweeneydu ma ahayn dadka deegaanka. HAlka ay ka soo jeeddo aad ayey uga fogeyd kaynta.

Booliska Maharashtara saraakiil ka tirsan oo goobta gaaray ayaa ka jaray birihii iyo katiinaddii haweeneydaas ku xirnayd.

Waxaa intaa dheer in boolisku la yaabeen in haweeneydu tahay muwaadinad Maraykan ah, waxaana shaaca laga qaaday in geedka lugaha looga xiray, loogana tegey goobtaa cidla ciirsilada ah, qofka sidaas u galayna uu yahay seygii qabay ee aysan ahayn dad dambiileyaal ah.

Jinsiyadeeda waxaa laga xaqiijiyey baasaboorkeeda. Booliska deegaankaas waxay haweeneyda dhigeen isbitaal si loo daweeyo bacdamaa aysan in muddo ah cunno iyo raashin cunin.

Boolisku waxay kaloo sheegeen in arrintaas iminka la baarayo, macluumaad wakhtigan la sheegana aysan jirin.Haweeneyda oo la sido

Markii la weydiiyey in arrintan lagu wargeliyey safaaradda Maraykanka, waxay boolisku sheegeen in dhawaan la wargelin doono.

Sida wararku sheegayaan, waxaa la soo tebiyey in haweeneydan la soo samata bixiyey, ayadoo xilligaas aan si saani ah u hadli karin, laakinse jirkeeda kuma aysan oollin wax calaamad ah oo muujinaya in dhaawac loo gaystay. Laakinse waxaa aad u caddayd in haweeneydu ay baahanayd oo oomanayd in muddo ah.

Laakinse side lagu ogaaday in haweeneydan uu ninkeeda halkaa ku xiray?

Markii boolisku ay haweeneyda isbitaalka geeyeen ee daweyntii ugu horreysay loo fidiyey ayaa la isku dayey in su’aalo la weydiiyo, laakinse si sax ah uma aysan hadli karin.

Xaaladaas markii ay boolisku la kulmeen ayaa haweeneyda loo dhiibay qalin iyo warqad, ka dibna af-Ingiriisi ayey ku qortay wixii ku dhacay.

Qoraalka waxay booliska ugu sheegtay in xaaladdan uu galiyey ninkii qabay. Muxuu seygeeda sidaas ugu galay? Ilaa hadda boolisku ma aysan caddayn.Warqad

Waxay sheegeen booliska in caafimaadka jireed ee haweeneyda dartiis aysan kala caddayn wixii qabsaday, laakinse ay ilaa hadda bixisay xog qoraal ah.

Haweeneydu waxay u sheegtay booliska in irbad aysan garan lagu duray, ka dibna ay afka kala qaadi weyday, taasna ay keentay in xataa biyo ay cabi kari weydo.

Waxay kaloo sheegatay haweeyneyda in muddo 40 maalmood ah ay kaynta ku jirtay, halkaasoo ay kula kulantay baahi iyo oon. Arrinta aan jawaabta loo helin ilaa hadda ayaa ah sida ay muddadaas u noolayd cunno iyo biyo la’aan.

Qoraalka haweeneyda waxaa ka mid ahaa “ninkayga ayaa geed igu xiray. Sidaas oo ay tahay waan badbaaday, laakin wuu iga cararay”.

Taliyaha booliska, Saurabh Agarwal wuxuu sheegay in markii la eegay baaritaankii ugu horreeyey ay u muuqato in haweeneydu aysan maskax ahaan wanaagsanayn, laakinse aan ilaa hadda waxba laga sheegi karin.

Sida boolisku sheegayaan, koox baareyaal ah ayaa arrintan ka shaqaynaya, wuxuuna boolisku intaa ku daray in warar dheeraad ah ay bixin doonaan marka ay xog helaan.

Waxay intaa ku dareen in dukumenti haweeneyda laga helay uu muujinayo in ay dawo ka qaadanaysay dhakhaatiir ku yaalla Mumbai, Delhi iyo Goa.

Haweeneydu waxay booliska u shegatay in seygeeda uu ka soo jeedo Tamil Nadu.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here