Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/dhexe, Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa maanta Safaarada Shiinaha kala wareegey agab loogu tala galay Baarista cilmiyeysan ayagoo isla goobtaas tababar ugu soo xirey sarakiishii isticmaali laheyd agabkaas kuwaas oo muddo Tababar ugu jirey sidii ay u isticmaalilahaayeen agabkaas qiimaha badan u leh baarista dambiyada.

Waxaana gacan ka gaystey Tababarka macalimiin ka socdey dalka Shiinaha kuwaas oo qibrad dheer u leh baarista cilmiyeysan.

Safaarada ayaa ku wareejisey aqabka baarista cilmiyeysan ee Forensic Digital ka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayagoo Isticmaalka qalabkaasna u tababarey qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska .

Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa dhawaanahaanba waday qorshe lagu hormarinayo baarayaasha xirfadlayaasha ah ee ka howlgala Baarista Dembiyada waaweyn ee Dalka dhaca.
May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and text that says "SKACI ISKA CIl GGAANI AAN UYEY 30-7-"May be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 7 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here