PARIS (DAYNIILE.COM)-Magaalada Paris ee Xarunta Dalka Farance waxaa ku kulmay Madaxweynaha Xiriirka Ciyaaraha Soomaaliya Cali Cabdi Mohamed(Shiine) iyo Madaxweyne xiriirka Kubbadda cagta adduunka ee FIFA.
Hogaamiye Cali Cabdi Shiine waxaa kulanka ku wehliyay xubno xiririka kala tirsan oo rag iyo dumarba isugu jirey,sida
xoghahaha xiriirka kubadda cagta ee soomaliya Dr Yuusuf iyo
Madaxa xafiiska maaliyada xiriirka kubadda cagta fahmo Kuulo Cali.
Madaxweyne Cali Cabdi Shiine wuxuu kala hadlay Madaxweynaha FIFA sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa horumarinta ciyaaraha Soomaaliya islamarkaana loo gaarsiin lahaa Gobol ilaa tuulo.
Madaxweynaha FIFA oo qirey in Somalia aad looga jecel yahay ciyaaraha kubada cagta iyo kuwa kalaba ayaa tilmaamay inay somalia ka caawin doonaan dhinac kasta.
Waxyaabaha FIFA ogolaatay waxaa ka mida dhismaha garoomada kala duwan ee dalka guud ahaan iyo gaarsiinta qalabka ciyaraha sida dharka ,sidoo kale FIFA waxay balan qaaday tababarada garsoorayaasha iyo macalimiinta si loo hor mariyo ciyaaradaha Soomaliya.
Dhanka kale Maaxweynaha FIFA wuxuu si gaar ah u soo hadal qaaday Fahmo kuulo oo wafdiga ka mid ahayd wuxuuna ku amaanay iyadoo dumar ah hadana shaqada ay u heyso
bahda ciyaaraha soomaliyeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement