MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalo ka jeediyay shirka maanta Muqdisho uga furmay Culiamada Soomaaliyeed kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Madaxweynaha ayaa meelo badan taabtay sida in qabyaalada Soomaaliya ay meesha ka bixi doonto marka Soomaalidu joojiso wax ku qeybsiga 4.5.

Advertisement

Sidoo kale wuxuu xusay in Golaha Culimada ay rabaan inuu noqdo gole midnimada Somaliweyn xoojiya,sidoo kale wuxuu ugu baaqay wadaadada inay laba laabaan ka hortagga fekerka Alshabaab.

Mar uu ka hadlaayay Alshabaab wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan sidii Soomaalid ay diin ugu kala qeybin lahaayeen.

” Khawaariijtu waxay doonayaan in ay diin ahaan noo kala qeybiyaan”ayuu yiri  Madaxweyne Xasan.

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka hadalada Madaxweynaha ee uu alshabaab kaga hadlaayo waxaana a soo xiganay Warbaahinta Qaranka:-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here