Ra’iisulwasaarihii hore ee Qaranka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee duuliyihii hore ee Somali Airlines, samafale iyo milkiilaha website-ka Hiiraan Online Axmed Cilmi Guure (Axmadey Hiiraan).

Xasan Cali Kheyre wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayo geerida kuna tacsi gudanayo waxayna u qoneyd sidan:-

Advertisement
Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, bahda saxaafadda, iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay kabtan Axmed Cilmi Guure, duuliyihii hore ee Somali Airlines, in muddo ahna la-taliye sare ka ahaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed.

Axmed Guure waxa uu xilli adag oo ay dadkeenna iyo dalkeennu baahi badan u qabeen isu xilqaamay in uu hirgeliyo, tifaftirena ka noqdo mareegta Hiiraan Online, oo muddo rubuc qarni ka badan ah isha koowaad ee wararka sugan iyo falanqeynta dhacdooyinka dalka, indheergaradka Soomaaliyeedna siisay madal ay ku soo bandhigaan aragtidooda.

Waxaan Alle u waydiinayaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigana u waasiciyo, ehelkiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

May be an image of 1 person and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here