Advertisement
Home Warkii Macallinkii iimaamka ahaa ee ka soo safray Boorama si uu dadka wax...

Macallinkii iimaamka ahaa ee ka soo safray Boorama si uu dadka wax u baro ee lagu dilay Mudug

0

=XIGASHO BBC SOMALI=

Macallin Xamsa

Advertisement

Allah u naxariistee waxaa magaalada Jarriiban ee gobolka Mudug lagu dilay Sheekh da’yar oo lagu magacaabi jiray Xamse Muuse Ducaale kaas oo ahaa bare ama macallin dhigi jiray maaddooyinka xisaabta iyo kombuyuutarka.

Xamse waxa uu asal ahaan ka soo jeeday magaalada Boorama ee gobolka Awdal halkaa oo uu kaga yimid in uu bulshada reer Jarriiban uga faa’iideeyo cilmigiisa.

Sidoo kale maalinta jimcada ah ayuu ka khudbeyn jiray masjid isaga oo jimce kasta ku qornaa soo jeedinta khudbada ee masaajidka.

Maalintii uu dhimanayay ayaa ahayd jimcadii ugu dambeysay isaga oo isla markaa ka soo baxay salaaddii jimce iyo khudbaddii uu jeedinayay.

Guddoomiyaha guddiga iskoolka Seemade, degmada Jariiban ee gobalka Mudug, Cabdi Khaliif ayaa BBC-da uga warramay qofka uu ahaa marxuum Xamse Muuse iyo waxyaabaha uu diiradda saari jiray.

Sidoo kale waxa uu faah-faahin ka bixiyay dhacdada oo uu sheegay in ay tahay mid ay ka argagaxeen.

“Allaha u naxariistee falka lagu dilay ustaad Xamse Muuse Ducaale, waxa uu ahaa mid aan ka wada argagaxnay, ninka dilay waxa uu ahaa sida la sheegay qof reer Miyi ah, dabcan waa lagu sababay ee ma garaneyno waxa dilka dhaliyay”, ayuu yiri guddoomiye Cabdi Khaliif.

Isaga oo sifeynaya qofka uu ahaa macallin Xamse ayaa waxa uu yiri, “macallinku waxa uu ahaa qof af-gaaban oo jecel in bulshada uu u faa’iido aqoontiisa, waxa uu ahaa qof ixtiraam badan ardaydiisuna ay si aad ah ugu xirnaayeen, sidoo kale dadka deegaanku wey xushmeyn jireen”.

Laamaha ammaanka iyo dadka reer Jarriiban oo iskaashanaya ayey wararku sheegayaan in ay gacanta ku soo dhigeen ninka ku eedeysan in uu dilay macallinka iyada oo aan la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka.

Jarriiban

“Horay uma aynaan ogeyn muran ama khilaaf soo kala dhex galay macallinka iyo ninka dilay mana aysan jirin wax aan ka sii ogeyn balse dilka ayaan ku baraarugnay iyo ninkii oo la leeyahay wuu baxsaday”, ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Khaliif.

Maalmaha fasaxa sida jimcaha macallinku waxa uu imaam ka ahaa masaajid aan ka fogeyn halka uu ku yaallay iskuulka uu wax ka dhigi jiray.

“Macallinku waxa uu ahaa Sheekh da’yar waxa uu ka muxaadareyn jiray masaajidka gaar ahaan jimcaha, maalintii la dilayayna waxa uu markaa kasoo baxay khubaddii jimcaha”, ayuu yiri Cabdi Khaliif.

Dadka deegaanka iyo macallimiintaba waxa ay arrinkan ku tilmaameen wax laga xumaado iyo in dilkani uu degmada ku noqday mid indhaha looga tuuray maadaama shaqsiga la dilay uu ahaa aqoonyahan u joogay deegaanka fidinta culuumta ee diini iyo maaddiba.

“Arrinkani waa mid indho beel ku ah dadka deeganka, waxaa naga baxay qof muhiim ah, waxa aan rajeyneynaa in marxuumkaas uu helo caddaalad oo ay umadda Soomaaliyeed maamulka Puntland iyo waaxaha waxbarashadaba nagala shaqeeyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga iskoolka Seemade, degmada Jariiban ee gobalka Mudug, Cabdi Khaliif.

Mudug

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ehelka ninka dilka lagu eedeeyay ayaa howlgal ay sameyeen gacanta ku soo dhigay eedaysanaha dilka ka gaystay Deegaanka Seemade ee Degmada jariiban ee Gobolka mudug.

Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska waxaana la geeyay Xabsiga dhexe ee magaalada Galkacyo.

Waa markii ugu horreysay ee dhacdo noocani oo kale ah ay ka dhacdo deegaanka Seemade ee degmada Jarriiban ee gobolka Mudug sida uu guddoomiyuhu sheegay.

Ehelka Marxuumka ayaa ka soo socdaalay magaalada Boorama iyaga oo dalbaday in aan meydka la aasin ilaa inta ay ka imaanayan.

Macallinku waxa uu muddo ka badan sanad ka howlgalayay isla degmada Jarriiban halkaa oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

                      =XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here