Sida horaba Dowladda Soomaaliya u sheegtay in hubkaas si sharcidarro ah dalka looga soo geliyey dhinaca Itoobiya ayaa idaacada VOA-da waxay arintaasi ka wareysatay la taliyaha Madaxweyne Xasan ee dhanka Amniga Xuseen Macalin.

Masuulkaani ayaa ka hadlay marka hore halka ay marayaan howlgalada Alshabaab ka dhanka ah wajigisa 1-aad ,wuxuuna cadeeyay inuu wali socdo balse uu gabo-gabo yahay.

Advertisement

La taliyaha wuxu xusay in wajiga koowaad ee howlgalkaani ay Dowladu muhiimada kowoaad siisay dhanka Galmudug islamarkaana ay halkaasi marka ay soo xiraan wajiga koowaad u jiheysan doonaan dhinacyada kale iyo wajiga 2-aad.

“dagaalku waa socdaa ,masuuliyiintu dhiiri gelin bay ugu tagaan ,waxaana socota qorshihii lagu soo afjari lahaa wajiga 1aad”ayuu yiri

Mar wax laga weydiiyay hubkii dhawaan dalka sida sharci darada lagu soo galiyay cidii ka danbeyay wuxuu carabka ku adkeeyay inay ganacsato soo geliyeen dalka.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ku lug leedahayna wuu ka gaabsaday isagoona wariyaha ugu celceliyay in baaritaanka socda  uusan dooneyn inuu ka hor dhaco.

“aniga kuma dhihi karo Itoobiya ka danbeysay iyo kama danbeyn waana kuu sheegay baaritaanka inaan ka hor dhaco ma rano halkaasi wax kasta laga ogaan doonaa”ayuu yiri La taliyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xuseen Macallin, La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here