AF-MADOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay Magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose kulan kula qaatay maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar ku dhaw dhaw Madaxweynaha ayaa sheegaya inuu halkaasi ka wado abaabul ciidan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab xili maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland ay guulo ka gaareen dagaalada.

Axmed Madoobe ayaa ku amaanay masuuliyiinta Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada siday mar kasta u garabka iyo gaashaanka ugu yihiin ciidamada Faderaalka iyo kuwa maamulka.

“waxaan idinka mahadcelinayaa maamul iyo shacaba sidaad u garab taagan tihiin ciidamada geesiyada ah ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo xoreeynta guud ahaan Jubaland”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhanka kale kulamada uu la qaatay maamulka iyo bulshada wuxuu kaga dhageysta shaqooyinka ka socda Degmada iyo  dardar galinta adeegyada Bulshada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 7 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 2 people and beardMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and people studying
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here