MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faderaalka Somalia ayaa mar kale shuruud ku xirtay in Itoobiya ka mid noqoto ciidamada cusub ee ka howlgeli doona Soomaaliya marka ay baxaan sanadkaan dhamadkiisa kuwa hada ku jooga magaca ATMIS .

La taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Somaia  Xuseen Macalin ayaa saxaafada mar kale la wadaagay inay Ciidamada Itoobiya aysan ka  mid noqon doonin kuwa iman doona Somalia marka ay baxaan ATMIS.

Advertisement

Masuulkaani wuxuu shuruud uga dhigay Ciidamada Itoobiya Somalia mar kale ka howlgalaan marka hore in Dowlada Itoobiya ka laabato heshiiskii is afagaradka ahaa ee ay la geleen maamul Goboleedka Somaliland kaasoo sharci daro ahaa islamarkaana meel uga dhacay madax banaanida dhuleed ee qaranka Somalia.

“howshaas ka noqoshadeeda waa mid socota oo Dowlada Turkeyna ay dhex dhexaad ka tahay marka hadii lagu guuleysto inay ka laabtaan fursad ayay u heli doonaan inay ka howlgalaan Somalia balse hadii aysan ka laaban Ciidamada Itoobiya ma iman karaan Somalia” ayuu yiri la taliyaha Amniga ee Madaxweyne Xasan.

Mar uu ka hadlayay heshiiskii Turkey iyo Somalia ee ahaa ilaalinta xeebaha soomaliya ayaa sheegay in meel fiican uu marayo heshiiskaasi islamarkaana la dhaqan gelinayo sida ugu dhaqsiyaha badan.

“ciidamada Badda Turkey waxay noo dhisi doonaan ciidamadeena badda marka ay imaadaan ,laakiin qaabka ay u howlglei doonan iyo halka ay ka howlgeli doonaan wali waa midaan la guda galin laakiin waa lagu heshiiyay in heshiiska dhaqaalaha midka howlgalka ay mar wada dhacaan”ayuu mar kale yiri la taliyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here