QAZA (DAYNIILE.COM)-Isbitaalka Nasser Medical Complex ayaa helay 27 meyd ah iyo daraasiin dad ah oo dhaawac ah ka dib markii uu bilowday weerar cusub oo Israel ku qaaday bariga Khan Younis.

Weerarada cirka iyo madaafiicda Israel ayaa imaanaya daqiiqado kadib markii militariga uu amray in la daadgureeyo taasi oo difaaca shacabka Falastiiniyiinta ee Qaza uu sheegay inay saameeyaan in ka badan 400,000 oo qof.

Advertisement

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo u safraya Mareykanka, ayaa sheegay in Israa’iil ay diri doonto gorgortan si ay dib u billaabaan wadahadallada isdhaafsiga maxaabiista ee hakad galay. Ma uusan cayimin halka ay u socdaan wafdiga.

Ugu yaraan 38,983 qof ayaa lagu dilay 89,727 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Dhimashada Israa’iil ee weeraradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa lagu qiyaasay 1,139 iyadoo tobanaan qof weli lagu haysto Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here