Israa’iil ayaa sheegtay in ay duqaysay dekada Xudeydah ee dalka Yemen, taas oo sheegen inay jawaab uga dhigeen  weerarkii Xuutiyiinta ay ka gaysteen Tel-aviv oo ah caasimada Yuhuuda.

Saddex qof ayaa ku dhintay duqeymaha dhanka cirka ah ee ka dhanka ah magaalada dekedda leh, kaasoo yimid maalin kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo kooxda Yemen ay dad ku dishay magaalada Tel Aviv.

Advertisement

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee badda cas ee Yemen, taas oo jawaab u ah weerarrada kooxda Xuutiyiinta.

Wasaaradda caafimaadka ee ka howlgasha deegaannada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen 87 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay aad uga gubteen duqeymaha Israa’iil.

Subaxnimadii Axadda, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree, ayaa sheegay mar uu khudbad ka jeedinayay telefishinka in kooxdu ay tiro gantaallo ah ku weerareen dekedda magaalada Eilat ee Israa’iil, hawlgal ay “ku guulaysteen ujeeddooyinkoodii”.

Ka dib markii seeriga laga dhawaajiyay Eilat, millatariga Israel ayaa xaqiijiyay in hal gantaal oo ballistic ah laga soo riday Yemen, laakiin waxa ay sheegeen in habka difaaca gantaalaha ee Arrow-3 uu soo riday.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fire in Hodeidah port

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here