BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Somalia Ciidamo Milatari u dirtay xadka kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kuwaasoo ah Maamul Goboleed la isku dhaho Hirshabelle.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadaan oo ka soo baxay  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan ay saacadaha soo aadan gaari doonan xadka Shabeelaha dhexe.

Advertisement

Ujeedka ciidamadaani loo geynayo halkaasi ayaa lagu sheegay inay meesha ka saaran dagaaal beeleedyo soo noq noqday oo ka dhacay xadkaasi kaasoo khasaare badana hore u gaystay xili dad walaalo ah oo isku deegaan ah ay is dilayaan.

Sidoo kale Ciidamadaan waxay ka hortagi doonaan weeraro Alshabaab ay mararka qaar ka geystaan xududka labada Gobol,waxaana lagu wadaa inay fariisimo cusub halkaasi ka sameystaan marka ay gaaraan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here