Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuurgalida xaaladda banii’aadannimo ee ka jirta gobolka iyo booqashada Xerooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xudur, kuwaas oo wajahayay maalmihii danbe xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
May be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people, aircraft and text that says "-CHY"May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here