MUQDSHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaano iyo Wasiiro Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen saaka Xarunta Villa Hargeysa waxay ku hanjabeen inay talaabo degeg ah qaadi doonaan hadii 24 saac gudihiis Xukuumadu u magacaabi weyso xilka Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad.
Xildhibaanadaan iyo wasiiradaan oo ka soo jeeda koonfur Galbeed ayaa ka xumaaday qorshe xalay xilkaasi loogu magacaabi lahaa Saalim Caliyow Ibrow oo madaxtooyadu hakisay lamana yaqaan in dib loo dhigay iyo in la kansalay.
Xildhibaanadaan iyo wasiiradaan ayaa heystay balanqaad uu hore ugu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh taasoo ahayd in siyaasi dhankooda ka soo jeeda la siiyo xilkaasi.
Masuuliyiintaan Dowlada ku matala reer Koonfur-Galbeed ayaa ku faanay inay mudan yihiin xilkaasi madaama ay yihiin canshuur bixiyayaal, sidoo kalana Dowlada ku garab istaagay sidii dalka looga xoreyn lahaa Alshabaab.
Xalay ayaa la hadal hayay in xilkaasi shirkikii wasiirada looga dhawaaqo laakiin waxaa muran ka keenay xildhibaanad reer Waqooyiga kuwaasoo iyagana diidan in xilkaan oo ay iyagu ku fadhiyan lala qeybsado.
lama oga talaabada Dowladu qaadi doonto si ay u xaliso murankaan xalay madaxtooyada hareeyay ilaa saakana sii laba kacleeyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement