War ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Falastiin ayay si weyn ugu soo dhaweeyeen weerarka xuutiyiinta ay ka gaysteen xarunta Yuhuuda ee  Tel Aviv.

Mujaahidiinta Falastiin waxay ku ammaaneen fallaagada Xuutiyiinta Yemen howlgalka geesinimada leh ee ka dhanka ah Tel Aviv, iyagoo sheegay in Falastiiniyiintu ay qaddarinayaan taageeradooda joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin reer Gaza.

Advertisement

“Waxaan xaqiijineynaa inaan soo dhaweyneyno waxay sameeyaan Yemen iyo inta kale ee  ka soo horjeeda faragelinta millatariga ee nalagu hayo, si ay u taageeraan kuwa la dulmiyay oo ay joojiyaan caddaalad darrada Sahyuuniyadda,” ayaa lagu yiri war ka soo  baxay  Xarunta Warfaafinta ee Falastiiniyiinta (Palinfo).

Kooxdu waxay intaa ku dartay in beesha caalamka, ay si dadban u taageeraan hay’adda dambiilayaasha ah ee  ka dhanka ah dadkeena, iyagoo qiil uga dhigaya dambiyadooda iyo in ay siiyaan dabool caalami ah si ay u sii wadaan xasuuqa ka socda Marinka Gaza

“Waxaan ugu yeereynaa dhammaan xoogagga iska caabinta ee qarankeena si ay u kordhiyaan dhammaan noocyada cadaadiska, gaar ahaan cadaadiska militariga, ee ka dhanka ah cadawga Sahyuuniyadda, iyo sidoo kale inay cadaadis saaraan taageerayaashooda Mareykanka ilaa laga joojiyo dambiyada xasuuqa ee Gaza,” ayaa mar kale lagu yiri warka ka soo baxay kooxdu Falastiiniyiinta.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here