GAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday Qaza 24-kii saac ee ugu dambeeyay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen saraakiisha caafimaadka ee dhulka la go’doomiyay iyo kuwa la duqeeyay.

Madaxa UNRWA ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed dugsi oo ay Qaramada Midoobay maamusho oo ay ku nool yihiin  dadka Gaza ayaa la garaacay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Advertisement

Muddo sagaal bilood ah oo dagaal ah, 70 boqolkiiba dugsiyada UNRWA ee Gaza ayaa la duqeeyay waxaana la dilay 539 qof oo halkaas gabaad ku ahaa.

Sidoo kale Ciidamada Israel ayaa sii daayay 16 Falastiiniyiin ah oo laga qabsaday Qaza, Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay la kulmeen jirdil, gacan ka hadal iyo bahdil ay ku hayaan xabsiga Israel.

Ugu yaraan 38,794 qof ayaa lagu dilay 89,364 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here