CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya ciidamo iyo gaadiid dagaal geysay Gobolka Galgaduud gaar ahaan nawaaxiga Magaalada Ceel-waaq oo dhawaan hub Dowladu galbineysay ay qabsadeen maleeshiyaad ka soo jeeda Cabud-waaq.
Wararka ayaa tilmaamaya in Dowladu go’aansatay inay awood u adeegsato sidii ay mar kale hubkaasi gacanteeda ugu soo celin lahayd.
Advertisement
Sidoo kale Wasiirka Amniga oo ka soo jeeda Cabud-waaq iyo Ugaaska reerkaasi ayay Dowladu u xilsaartay inay hubkaasi shacabka ka soo celiyaan.
Ciidamo iyo gaadiid dagaal oo Dowladu dirtay ayaa lagu wadaa inay xoog ku galaan Magaaladaaasi hadii ay waan waantu socon wayso.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement