Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay qaraxii xalay Muqdisho ka dhay ee khasaaraha badan uu ka dhashay.

Qoraalka Shariif Sheekh Axmed oo ugu horeyn cambaareeyay kooxihii ka danbeeyay qaraxa ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Maqaayad Top Coffee ee magaalada Muqdisho caawa.

Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka.

Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here