Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tagay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department).

Wafdigu waxa ay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah; heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Advertisement
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hay’adda SoDMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha Musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga – Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.
May be an image of 8 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 9 people and people studyingMay be an image of 9 people and textMay be an image of 7 people, ambulance and textMay be an image of 4 people, people studying, television, newsroom and textMay be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 8 people, people studying, television, hospital, newsroom and textMay be an image of 9 people, people studying, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here