GAZA (DAYNIILE.COM)-Dhowr qof oo rayid ah oo ka cararay Magaalada Gaza ayaa sheegay in dad la toogtay xilli ay ka baxayeen magaalada, sida uu sheegay wariye ka tirsan Qaza.

Maydadka ayaa buuxinaya waddooyinka magaalada Gaza, ugu yaraan 30 falastiiniyiin ahna waa la dilay ka dib markii askarta Israel ay weerareen xaafadda Tal al-Hawa ee magaalada sida uu sheegay  afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza Mahmoud Bassal.

Advertisement

Barakaca khasabka ah ee dadka deggan magaalada Gaza ayaa keenaysa dhibaato ballaaran.

In ka badan 300,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu qiyaasaa inay deggan yihiin waqooyiga dhulka uu dagaalku ka socdo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

War ka soo baxay dhanka Yuhuuda ayaa shacabka reer Falastiin lagu faray inay ka baxaan marinka Gaza.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Gaza ayaa sheegtay in amarrada Israa’iil ee ku aaddan in Falastiiniyiinta ay ka baxaan magaalada uu yahay nooc ka mid ah dagaal maskaxeed  oo ka dhan ah dadka rayidka ah maadaama aysan haysan meel ay ku bad-baadaan.

Wadahadallada xabbad joojinta ee Qatar ayaa weli ka sii socda iyadoo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sagaalka bilood ah ay caqabad ku yihiin weerarrada Israa’iil ay ku qaaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo iskuullada ku yaal Gaza, iyadoo barakicinta qasabka ah ee tirada badan uu sii kordhayo isbitaalladana lagu qasbay in la xiro.

Ugu yaraan 38,295 qof ayaa lagu dilay 88,241 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here