WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa tan iyo dagaalkii qabootii kadib waxay markii ugu horeysay hub culus oo waaweyn geysanayaan qaarada Yurub xili ay sii kordheyso xiisada u dhexeysa Ruushka iyo reer Galbeedka.

Shirka Magaaladan Washington uga socda dalalka NATO iskula jira ayay Jarmalka iyo Mareykanku wada jir u shaaciyeen in hubka gantaalada ridada dheer uu Mareykanku geynayo Jarmalka sanadka 2026.

Advertisement

Xulafada NATO ayaa Ruushka ku sheegeen inuu yahay khatar ku sii kordheysa qaarada Yurub islamarkaana loo baahan yahay inay ka hor tagaan.

Talaabada ay qaadeen Isbahaysiga NATO ayaa noqoneysa digniin cad oo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaasoo aan la ogeyn waxa uu kaga jawaabi doono gantaalada ridada dheer ee Mareykanku ku rakibanayo gudaha Dalka Jarmalka.

Dhanka kale NATO waxay lacag kale balan qaadeen Ukraine si ay isaga difaacaan weerarka Ruushka,lacagtaan ayaa cadadkeeda lagu sheegay 40 bilyan oo yuro oo u dhiganta 43.28 bilyan doolar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal ridada dheer oo gaari kara  Maraykanka - Horseed Media

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here