Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Kuwa Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow Iyagoona burburiyay gabaadyadii u danbeeyay ee khawaariijtu ay ku lahayd deegaanada gobolka Jubada Hoose ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow.
Deeganadan uu Hawlgalka Sifaynta ahi ka dhacay ayaa kala ahaa Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido iyadoona Ciidamada Hawlgalka Fuliyey ay Ka Soo kala bexeen Degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaa Cabdalle.
Advertisement