Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulamo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinadii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar shaqo uu ku tagay dalka Ereteria halkaasoo uu kula soo kulmay ciidamada Cirka Soomaaliya ee tababarka ku qaadanaya Magaalada Asmara.
May be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here