Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan waxaa fuliyay Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib oo kaashanayay maleeshiyaadka  dadka deegaanka ee doonaya inay alshabaab iska saaraan.
G/dhexe C/raxmaan Salaad Xujaale oo ah Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ayaa u sheegay warbaahinta Dowlada in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oodiyaarinayay dhulka howdka ah.
Sarkaalkaan wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu sii baacsanayaan islamarkaana ay ku raad-joogaan kooxdii Alshabaab ee ay meelahaasi ka saareen.
Ujeedka howlgaladaan ayay saarkiishu sidoo kale ku sheegeen inuu yahay mid ay kaga hor tagayeen dhagarta kooxda Alshabaab iyo  si aysan dhibaato ugu geysan shacabka ku nool deegaanadaas iyo inay gabi ahaanba Gobolka ka cirib tiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here