Qarax Miino oo Alshabaab ay wadada geliyeen waxaa ku dhintay laba askari oo ka tirsan ciidamada Atmis xili ay la socdeen kolonyo gaadiid dagaal ah oo isugu jirey milatariga Soomaaliya iyo ATMIS.

Qaraxa ayaa ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan tuulada Ceel-Wareegow oo ku dhaw Magaalo Xeebeedka Baraawe.

Advertisement

Ciidamada ATMIS ee qaraxa lagu weeraray waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo laga soo badalay Gobolka Shabeelaha hoose iyagoona safar u soo ahaa dhanka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa wuxuu sababay dhimashada 2 askari halka 6 kalana ku dhaawacmeen mana jirto wax dhibaato ah oo qaraxaasi ka soo gaaray Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee la socday kuwa ATMIS.

War laga helay dhanka Dowlada Uganda ayaa lagu sheegay in labada askari ee ATMIS qaraxa  kaga dhintay mid ka mida uu ahaa sarkaal ka tirsan Milararga Dalka Uganda kaasoo qeyb ka ahaa ciidamada magaca ATMIS kaga howlgala Soomaaliya.

Guud ahaan meydadka labada askari iyo dhaawaca lixda kale waxaa la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho madaama markii horaba ay u soo socdeen Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM  

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here