Siyaasiga caanka ah Xildhiban C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu bixiyay amarka saaka lagu barakaciyay shacabkii deganaa xerada Damdamiska oo ah dhul Dowladu leedahay.

Siyaasigaan ayaa hada qoraal soo dhigay bartiisa Facebook uu madaxweyne Xasan dusha kaga tuurey inuu qabuure faagii dhawaan iyo barakacinta saakaba uu ahaa uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Advertisement

Qoraalka Xildhibaanka ayaa sidan u qornaa:-

Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo fagaay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen. Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, siyaasiyiin iyo Xildhibaanno lagu laalushay,
Ma jiro xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha. Ma jiro garsoor madaxbannaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweyanah, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda. Waxaa dhulka laga iibiya, la siiyaa ama laga kireeyaa ciddii Madaxweynaha la shirko ah, taageersan, ama qaraabo la ah.
Waxaa banaan in la helo;
1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago
2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.
3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here