MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali la xaqiijin oo ku dhaw dhaw shacabkii deganaa xerada Dam-damiska ayaa sheegaya in Dowladu u kala eexatay ka hor howlgalka saaka ay ku burburisay guryihii ay daganaayeen shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladu qaar ka mida qoysaska dhul ka siisay meelo kale islamarkaana ay saas ku guureen halka kuwa saaka lagu kalahayna ay yihiin qoysaskii soo haray oo iyaguna sugayay in dhulal la siiyo balse taas badalkeeda la barajaciyay.

Advertisement

Warkaan looma hayo cadeyn balse waxay u badan tahay mid ay faafiyeen dadka saaka la barakiciyay inkastoo hadii ay run tahay aysan ku habooneyn dhanka cadaalad sameynta Dowlada  Faderaalka Soomaaliya.

Qoysaskii saaka la barakaciyay ayaa qaarkood cabasho gaarsiiyay warbaahinta iyo baraha bulshada iyadoo hooyooyinka qaar habaarayen madaxda Dowlada iyo cid kasta oo ku lug leh howlgalka saaka Dowladu ku baneysatay dhulkeeda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here