WAAJID (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay saaka fuliyeen howlga;lo ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Ciidamada Milatariga guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howl-galkaan waxay ka fuliyeen degaanada kala ah Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa cagta mariyay fariisimihii dagaalamayaasha Alshabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda Degmadaasi ayaa qeyb ka ahaa howlgalka waxayna caawinayeen ciidamada Milaariga faderaaka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and road
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here