LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool iyo xarunta Maamulka Khaatumo SSC.
Wafdiga Xildhibaanada Soomaaliyeed waxaa hoggaaminaysa Hab-dhowre ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaanad Sahra Bundubte.
Xildhibaanada waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay wasiiro Iyo xildhibaano katirsan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatuma,waxayna durba kulamo la yeesheen hogaamiye ku xigeenka Maamulka KMG ah ee SSC Maxamed Ismaaciil Shiine.
Advertisement
Sidoo kale Xildhibaanada waxay is arki doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Laascaanood ka hor inta aysan Magaalada Muqdisho ku soo laaban.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement