Ciidamada Dowlada Somalia oo hore dhowr mar waqti ugu qabtay shacabka ku dhaqan Xerada Dab-damiska ee Magaalada Muqdisho inay u baneeyaan dhulkaasi ayaa saaka burburin ku bilaabay.

Ciidamada Booliiska ayaa saaka ku kalahay xaruntaasi oo ka soo horjeeda sarta caanka ah ee loo yaqaan Say-biyaano aadna ugu dhaw saafaaradii Ameerikaanka waxaana durba bilaabatay jabinta guryaha xili qoysaska qaar ee ku haray iyagoo degan katarabiilku dumis ku bilaabay.

Advertisement

Ciidamada Booliiska waxay xireen dhamaan wadooyinka soo gala xaafadaasi madaama dadka deegaanka ay wacad ku mareen inaysan baxeyn kuna dagaalami doonaan.

Saraakiisha Dowlada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore u hakiyay burburinta si loo baajiyo rabshado hubeysan oo ay kiciyaan shacabka diidan inay baneeyaan xeradaan oo ah xarunta kooxda gurmadka degdega ee Dab-damiska.

Xaruntaasi oo dad shacaba ka dhisteen guryo jiingado ka sameysan ayaa waxaa saaka ku dhex jira baldoosaro iyo katarabiilo kuwaasoo burburinaya guryaha.

lama yaqaan sida uu xaalku noqon doono iyo sida Boolisku ula macaamili doono hadiiba shacabka iska hor imaad hubeysan kala hortagaan Dowlada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka baaldooska ah ay hada jajabinayaan guryaha oo intooda badan ka sameysan jiingado.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here