Who is Masoud Pezeshkian, Iran's new president-elect? | Reuters

TAHRAN (DAYNIILE.COM)-Masoud Pezeshkian ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ee Iran oo uu kula tartamayey Saeed Jalili oo mayal adag, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha.

Advertisement

Tirinta codadka rasmiga ah ayaa lagu sheegay in Pezeshkian uu ku guuleystay 16.3m codadkii la dhiibtay halka Jalili’s uu helay codad dhan  13.5m.

Dadka u soo baxay codbixinta wareeggii labaad ayaa ahaa 49.8 boqolkiiba, sida ay muujinayaan tirooyinka rasmiga ah.

Doorashada ayaa markii hore la qorsheeyay in ay dhacdo 2025 balse waxaa la soo hormariyay ka dib geeridii Madaxweyne Ebrahim Raisi, kaas oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii May.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here